U bood dhigaalka

Xasan Sheekh: Afar Sano Kahor Meeshii aan uga Tagney Qaddiyadda Badda Ayey Wali Taagantahay

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay dacwadda badda soomaaliya oo Kenya muran galisay isagoo sheegay in madaxda dalka ee haatan talada heysa aysan dacwadda badda horey uga sii wadin halkii markii uu madaxweynaha ahaa gaarsiiyay.

Waxa uu sheegay in meeshii uu afar sano ka hor uga tagay in wali ay joogto qaddiyadda badda oo markii saddexaad dib loo dhigay.

“Afar sano kahor meeshii aan uga tagnay ayey qadiyada badda taagantahay sadax jeer ayaa qadiyadaas dib loo dhigay dowladeenu marwalba waxay noo sheegtaa inay diidaneyd in dib loo dhigo lkn wax cadeynaayo inay dowladu diidaneyd marnaba shacabka lama wadaagin” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mar 3-aad dib loo dhigo dacwadda badda soomaaliya ee ay Kenya nagu heysato, sido kalena madaxda dalka ugu sareeyso ayuu ku eedeeyay in hal mar xittaa aysan ka hadlin halka ay mareyso kiiska dacwadda badda soomaaliya

Waxa uu dhanka kale madaxweynihii hore sheegay in Caronavirus uusan aheyn wax lagu marmarsiiyoodo madaxda talada dalka heysa ee waqtigoodu sii dhamaanayo loo baahan yahay in ay ka hadlaan halka ay mareyso dacwadda badda sido kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowldda soomaaliya heshiisyada ay gasho aysan hor keenin baarlamaanka shakina ka muujiyay sida ay wax u wadaan madaxda talada haysa.

“Waa marmarsiyo yar cudur daar fiican uma ahan arrintaas oo dhan Coronavirus shalay ayuu yimid ma dheerayn laakiin 4 sano qaddiyadda badda inay meesheedii taagantahay oo aanay waxba ku darsoomin 4 sanoo ummada Soomaaliyeed inay meeshoodii taagnaato wax macquula ma ahan” ayuu sii raaciyay Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn waxa uu carabka ku adkeeyay in madaxda dalka inaysan golayaasha dowladda hor keenin diidmada ay sheegeen inay diidanyihiin dib u dhigista kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxa uuna intaas raaciyay inay rajo wanaagsan ka qabeen in madaxweyne Farmaajo uu dadka horyimaado si uu ugu sharraxo qaddiyadda badda, balse nasiib darro taas ma dhicin.

“Waxaan rajeynaynay in madaxweynuhu dadka horyimaado oo uu u sheegow axa jira” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Halkan ka daawo hadalka madaxweyne Xasan Sheekh

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2952829694801930/?t=3

Goobjoog News