U bood dhigaalka

Xasan Shiikh oo Markale Muqdisho Loogu Caleemo Saaray Madaxweynaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa  waxaa goordhow loo caleemo saaray madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, kadib munaasabad maanta ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana xafladda kasoo qeyb galay madax kale duwan, kuwaas oo lagu casuumay oo soo gaaray caasimadda.

Caleemasaarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafuud heer caalami ah, kuwaas oo ka kale socday wadamada daneeyo arrimaha Soomalaiya, Ururka IGAD Jaamacadda Carabta, Turkiga iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka  ayaa qeyb ka ahaa.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya laba jeer loo caleemo-saaro xilka ugu sareeyo dalka, madaxweynaha ayaa sanadkii 2012 markiisii ugu horeeray ku guulaystay xilka madaxweynahaisaga oo shan sano kadib markale 15-kii bishii May labada gole ee Baarlamaanku u  doortay madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo gabagabadii munaasabadda ka hadlay ayaa ugu baaqay caalamka in ay kaalintooda ka qaataan sidii ay u garab istaagi lahaayeen shacabka Soomaaliyeed oo xigaan wajahaya xaalada adag oo ka dhalatay abaar baahsan oo dalka ku dhufatay, taas oo dadka iyo duunyada intaba saamaysay.

Goobjoog News