U bood dhigaalka

Xasan Shiikh oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciida

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan munaasabadda ciidul fidriga oo bari ku beegan maalinteeda koowaad oo caalamul Islaami looga dabaaldegayo, waxaana sidoo kale uu ugu baaqay shacabku in ay isku naxariistaan.

” Dhammaan umadda Soomaaliyeed meel waliba ay joogaan waxaan leeyahay ciid Mubaarak, Ciidaan ciideeda nabad iyo xasilooni Allah nagu gaarsiiyo,  Allah hana isku keen cafiyo Acmaasheenii bisha Barakaysan ee dhamaatay” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan oo sii hadlaayo ayaa yiri” Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, walaalayaal dalkeena duruufo adag ayuu ku jiraa, maalmihii faraxa, maalimihii ciidda iyo qalbi wanaaga, walaalayaal la isku naxariisto, yeysan dhicin walaalka Soomaaliyeedoow in caruurtaada farxaan dariskuna uusan farxin” ayuu yiri sidoo kale.

Goobjoog News