U bood dhigaalka

Xasan Shire: Dowlad Wariyaha u Xirto Ama u Jirdisho Maxaad Warkaas u Sheegtay Waa Dowlad Xun

Sheeko:Dalka

Madaxa hey’adda difaacda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Afrika Xasan Shire oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxaa uu ka hadlay madax bannaanida saxaafadda iyo xoriyatul qawlka hadalka waxa uuna ku nuuxnuuxsaday in haddii dowladi xirto ama jirdil u geysato saxfi sabab la xiriirta war uu baahiyay inay tahay dowladdaasi mid xun islamarkaana ay ku tumanayso xoriyadda hadalka iyo madax bannaanida

“Dowlad Wariyaha u xirto ama u jirdisho maxaad warkaas u sheegtay waa dowlad xun wasiir inta meel soo istaago isku dayo inuu marmarsiyo u sameeyo caburrinta saxaafadda waxaa la yiraahdaa dilaa saxafi, waaana la cambaareyaa” ayuu yri Madaxa difaacayaasha.

Xasan Shire ayaa dhinaca kale waxa uu walaac ka muujiyay in Soomaaliya ay kaalmaha ugu hoseeya uga jirto xoriyadda hadalka “Soomaaliya 163 ayey uga jirtaa sanadkaan meesha ugu hooseysa xataa gobalka oo Burundi iyo Koonfurta Suudaan wey ka hooseysaa marka la fiiriyo celceliska dhibaatada ku dhacda dadka saxaafadda u olo oleeya iyo kuwa ka shaqeeya” waxa uuna arrinkaasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah.

 Isaga oo sii hadlay ayuu sheegay in hadii la waayo saxaafad madax bannaan aysan jiri doonin xoriyad iyo madax bannaani kale “haddii la waayo saxaafad madax bannaan xoriyad kale iyo madax bannaani kale oo jiri karta ma jirto dimuquraadiyad lama gaari karayo dowlad hufnaan lama gaari karo haddii aysan jirin xoriyad dhab ah oo saxaafaddu leedahay oo ka fog cabsi intaas baa gundhig u ah marka 1-aad”.

Sidoo kale Xasan Shire ayaa soo hadal qaaday kaalinta ay ku jirto saxaafadda marka loo eego xoriyaadka kale ee hadalka waxa uuna carabka ku adkeeyay in saxaafadda ay horkacayso dhamaan xoriyayaadka kale ee hadalka.

“Saxaafaddu waa tiirka ugu weyn xuquuqaha kale iyo xoriyayaadka kale ee aasaaska ah hadii ay ahaan lahyd tii faafidda fikirka, tii nabadaynta, tii is barbardhiga, tii dowlad wanaaga, tii dib u dhiska wadanka saxaafaddu waa meesha udubka u ah in xoriyaadkaas la gaaro” ayuu yiri Xasan Shire.

Dhanka kale madaxa hay’adda difaacayaasha ayaa tilmaamay in dalkasta oo caburiya saxaafadda uu hayo dhabihii burburka isaga oo sheegay in qofka doonayo inuu ku qabto afka uu damacsanyahy inuu fushto dano gaar ah oo uusan doonayn in la soo bandhigo.

“Haddii aad aragto wadan saxaafaddu burbursan tahay waa waddan burbur ku socda waa waddan aan xoriyaadkii kale la dhowrayn maxaa yeelay qofka afka ku qabto macnaheeda waxay tahay wuxuu doonayaa wax ka dhan ah xuquuqaadkaaga kale inuu fushto iyada oo aan lala hadlin, wuxuu doonayaa inuu dadka iska dilo ama iska xiro ayadoon la daba galin” ayuu sii raaciyay.

“Dowlad diidda ama ka soo horjeesatada in la faafiyo ama la soo bandhigo fikiro kuwa iyada ka duwan ah macnaheedu waxa ay tahay waa dowlad ay u qarsantahay ku takrifal shaqsiyaadka dowladda ee kaca inay caburiyaan ay jahwareeriyaan dadka u dooda saxaafadda waa dad la calaamadeysan doono oo waqti waqtiyada ka mid ah runta la hor keeni doono”

Dowladda ayuu ugu baaqay inay aqoonsadaan in saxaafaddu tahay xor isaga oo yiri “Dowladda waxaan farayaa oon u soo jeedinaynaa in saxaafadda xorta ah ay aqoonsadaan inay xortahay u daayaan doorkeeda ah inay tiirka afaraad ee dowladnimada”.

Dowladda Farmaajo ayaa lagu dhaliilaa inay caburiso saxaafadda madaxa bannaan ee ka shaqeysa Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Waraysi Dhinac Skypka Uu Mudan Xasan Shire Siiyay Goobjoog

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/230731028250959/

Goobjoog News