U bood dhigaalka

Xibiga Wadajir Oo Ka Digey Faragelinta Ciidanka Itoobiya Ee Galmudug Iyo Jubbaland

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Wadajir ayaa looga hadlay faragelinta ay Itoobiya ku hayso siyaasadda gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland iyo Galmudug.

Xisbiga ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay falalka ay xilligan ciidamada Itoobiya ka wadaan Galgaduud iyo Gedo, loona baahan yahay in degdeg wax looga qabto.

Waxa uu sheegay xisbiga Wadajir, in walaac aad u weyn ka qabaan xiriirka ka dhaxeeya hoggaanka NISA iyo sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka ciidanka.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayeey ugu baaqeen in uu dib u eegis ku sameeyo siyaasaddiisa ku aaddan Soomaaliya, kana digeen in ciidanka Itoobiya loo adeegsado danao gurracan iyo caburin lagula kaco shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka akhriso:

Goobjoog News