U bood dhigaalka

Xiddiga Kooxda Arsenal ee Mesut Ozil oo Gargaar Afur Ah ka Qeybinaya Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Laacibka khadka dhexe ka ciyaara ee Mesut Ozil ayaa gargaar loogu talo galay bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa uu ka qeybin doonaa meelo ay ka mid tahay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xiddiga kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mesut Ozil ayaa ugu deeqay 713,000 oo lacagta Turkish lira ah oo u dhiganta 101,000 oo dollar hay’adda Bisha Cas ee Turkiga si uu uga qeyb qaato ololaha gargaarka muslimiinta bisha barakaysan ee Ramadaan.

Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa in afur lagu siiyo 16,000 oo qof oo ku nool dalka Turkiga, inta lagu guda jiro bisha Ramadan, sida ay sheegtay hay’adda Bisha cas ee Turkiga.

Qoysas ku kala nool Turkiga iyo Syria ayaa sidoo kale 2,000 oo xirmo oo gargaar ah ka heli doona deeqda ciyaaryahan Ozil, halka 90,000 oo xirmo oo afur ah laga qeybin doono Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya sida ay daabacday wakaaladda Wararka ee dalka Turkiga.

Kerem Kinik oo ah Madaxa hay’adda Bisha cas ee Turkiga ayaa xiddigan ka ciyaara yahay magaalada London uga mahad-celiyey deeqdan, waxaana uu yiri: “Waxaan qeybin doonnaa xermooyinka gargaar ee uu ku deeqay walaalkeey Mesut, waxaana u gaarsiin doona dadka loogu talo-galay sida ugu macquulsan uguna dhaqsiyaha badan.”

Mesut Ozil ayaa asal ahaan ka soo jeeda Waddanka Turkiga oo uu deeqdan soo gaarsiiyey, inkastoo uu ku dhashay kuna barbaaray dalka Jarmalka.

Goobjoog News