U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Degmada Wanlaweyn Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Xiisad u dhaxeysa Labo maleeshiyo beeled ayaa lagu soo waramayaa iney maanta ka taagan tahay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose.

Waxa ay xiisaddan salka ku haysaa dagaal shalay Labadan dhinac ku dhexmaray degmadaasi, waxaana dagaalkasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey Saddex qof ayaa dagaalkaasi ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay Sha qof kale oo shacab u badan, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka qaarkood oo aynu la hadalnay.

Dhanka kale, wararka aan helnay ayaa waxay sheegayaan in maamulka degmada Wanlaweyn ee Shabellaha Hoose wadaan dedaallo lagu doonayo in lagu xalliyo xiisaddan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News