U bood dhigaalka

Xildhibaan Fiqi: Lama Huraan Waa Halkii Laga Yimid Iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor u magacaabay wasiirka amniga ee maamulkaasi ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu uga hadlayo magacaabistiisa.

Fiqi ayaa waxaa uu bulsha weynta reer Galmudug nuuckasta oo ay yihiin waxa uu la wadaagay in lama huraan ay tahay halkii laga yimid iyo Galmudug, waxa uuna hoosta ka xariiqay in isaga xaggiisa ay ka bilaabatay arrinkaasi isaga oo intaas ku daray inuusan jirin hormar meel cid la ah ka imaanaya.

“Reer Galmudug nooc kasta oo ay leeyihiin, meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay “Lama huraan waa halkii laga yimid iyo Galmudug, dhankaygana way ka bilaabatay” ma jiro horumar ka imaanaya meel cidlo ah, deegaan walbaana qiimihiisu wuxuu le’eg yahay inta ay le’eg yihiin dadka waxgalka ah ee ka shaqaynaya horumarkiisa” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale Fiqi ayaa ka dhawaajiyay in madaxweyne Qoorqoor uu ka codsaday iyaga inay la dhisaan Galmudug islamarkaana ay halkaasi saldhig ka dhigtaan waxa uuna sheegay Fiqi in arrinkaasi ay ka aqbaleen madaxweynaha.

“Madaxweynaha cusub ee Galmudug Md. Qoorqoor waxaa nooga muuqday tilmaamo hogaamineed oo ku yaraa maamuladii dalka ama deeganadaas soo maray, oo ay ugu weyn tahay inuu raadinayo maamul talo-wadaag ku dhisan, dadkiisana ka dhexeeya. Madaxweynuhu wuxuu naga codsaday inaan Galmudug la dhisno halkaasna ay saldhig noo noqoto. Annagoo ugu danbayn go’aansannay wadatashi dheer ka dib in aan aqbalno codsigaas, isuguna gayno awoodayada, waaya-aragnimadayada iyo aqoon waxaan leenahayna in aan dul dhigno Galmudug, kana mid noqdo adeegayaasha u horseedi doona bulshada ku nool halkaas horumar waara iyo nabad buuxda, midnimada dalka iyo soo celinta heybaddii dawladnimo ee Soomaaliyana udub dhexaad u noqda sidii lagu yaqiiney” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Fiqi ayaa ka mid noqday golaha wasiirada cusub ee maamulka Galmudug isaga oo loo magacaabay wasiirka amniga ee maamulkaasi

Halkaan ka akhriso warka uu soo saaray xildhibaan Fiqi

Image may contain: text

Image may contain: text

Goobjoog News