U bood dhigaalka

Xildhibaan Ilhan Cumar Oo Cabsi gelinta Haaruun Macruuf iyo Xarigga Gurbiye Ku Tilmaantay Halis

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa qoraal ay soo saartay  ku difaacday xuriyadda hadalka ee Soomaaliya iyada oo diiday cabsi-gelinta dowladda federaalka ah ku heyso weriye Haaruun Macruuf iyo xarriga ay u geysatay weriye Cabdi Casis Azmed Gurbiye.

Qoraalka waxaa ku jiray ” Waxaa uu qoraalkan daba socdaa kadib markii dowladda federaalka ah ay wariyaha VOA Haruun Macruf ku sheegtay inuu khatar ku yahay  amniga qaranka” . “Shaqadayda guddiga arrimaha dibadda ee aan xubinta ka ahay waxaa laf dhabar u ah siyaasadda difaacidda xorriyatul qowlka, hadii ay tahay dalbshada isla xisaabtanka dilkii Jamaal Khashoggi, u doodida in  la sii daayo weriyeyaasha la xiray, xaqa saxafiyiinta u leeyihiin iney ka hadlaan qadiyadaha ka dhacaya gudaha dalkooda cabsi la’aan, kama reebayo in saxaafadda xorta ah ay aasaas u tahay dimoqoraadiyad furfuran.

Marwo Ilaan Cumar oo sii hadleysa waxaa ay tiri “Olaha cabsi gelinta ee NISA ku heyso Haaruun Macruuf waa mid wewel leh, marka lagu daro xarigii wariye Abdiaziz Axmed Gurbiye ee 14-kii April ee loo xiray shaqo uu ka hayey  covid-19 ee Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay ku tumashada xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah”.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Ilhan Cumar  waxaa ay dowladda federaalka ah ugu baaqday iney joojiso waxa ay waddo ” Waxaa ay dowladda wax badan ka qabatay xuquuqaha iyo furfurnaanta, waxaan garab istaagay deynta laga fududeeyey iyo arrimo kale, dhibka, cabsi gelinta iyo xariga loo geysanayo saxafiyiin ay ku jiraan Haaruun iyo Cabdi Caziz waxaa ay burburineysaa horumarkaas. Waxaan ugu baaqayaa dowladda iney  si degdeg ah u joojiso weerrrada ka dhanka ah xuriyadda hadalka iyo midda saxaafadda”

Hadalkan Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa imaanaya iyada oo dowladda Soomaaliya ay cadaadis xoogan sanadkan saartay weriyeyaasha Soomaaliyeed iyada oo dagaal cad la gashay xuriyadda hadalka iyo helista macluumaadka isla markaana cagajugleyn iyo xarig xal uga dhigtay weriyeyaashii ugu firfircoonaa dalka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir