U bood dhigaalka

Xildhibaan Mahad Salaad oo Sheegay inay Dayacaad Ka Jirto Isbitaal Martiini

Sheeko:Dalka

Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ayaa qoral uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dayacaad iyo daryeel la’aan ay ka jirto isbitaal Martiini oo ah halka dowladdu u qorsheysay in lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus.

Xildhibaanka ayaa xusay in 9-kii qof ee shaly ku geeriyootay Martiini ay waayeen Oksijiintii neefta siinaysay ka dib markii muddo saacad ah ay korantada ka tagtay isbitaalka sida uu sheegay xildhibaan Mahad Salaad.

Wasaaradda caafimaadka ayaa shalay shaacisay in 9 qof la xanuunsanayay cudurka COVID-19 ay ku geeriyoodeen gudaha isbitaal Martiini.

Halkaan ka akhriso qoraalka xildhibaan Mahad Salaad

Dayacaada iyo daryeel la’aanta caafimaad ee kajirta Isbitaal Martiini yaan dusha laga saarin Isbitaalada gaarka loo leeyahay

Wasaarada caafimaadka waxay maanta soo saartay digniin ay u jeedinayso Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaalada Magaalada Mogadishu in la geeyo dadka qaba ama uu ku dhacay cudurka Covid 19. Sagaalka qofood ee wasaaradda caafimaadku sheegtay in ay u geeriyoodeen cudurka COVID 19 ee xalay Isbitaal Martiini ku dhintay waxaa la sheegay in neeftu ku dhegtay kadib markii uu shaqeyn waayay mashiinkii oksijiin ka ahaa ee bukaanada neefta siinayey. Sababta mashiinadu u shaqayn waayeen ayaa lagu sheegay in isbitaalka korontadu ka tagtay, ayna ka maqneed muddo saacad ah

Haddaba su’aashu waxay tahay dayacaada iyo daryeel la’aanta caafimaad ee kajirta Isbitaal Martiini, sababteedana ay leedahay Wasaarada Caafimaadka ma lagu eedayn karaa Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ehelada dadkoodu xanuunkaan qabaan ay daryeel caafimaad badeen iyaga oo ka cabsi qaba dayacaada iyo daryeel la’aanta kajirta Isbitaal Martiini?

Waxaan ugu baaqaynaa Xukuumada in ay xil gaar ah iska saarno badqabka iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed, shaqadeeduna aysan noqon igu sawir iyo shirar jaraa’id oo maalin walba la qabto.

Goobjoog News