U bood dhigaalka

Xisbiga Garsoor oo Hadal Kasoo Saaray Maalmaha Xuriyadda

Sheeko:Dalka

Ma jirin taariikhda Soomaaliya maalin ay ugu farxad badanayd dhalashadii & israacii Woqooyigii iyo Koofurtii dalka. Dadka Soomaaliyeed, iyagaa isdoontay oo isku hiloobay inay dawlad noqdaan.

Markii taladu ay ka soo maaxatay Ururkii SYL in la raadsho shantii Soomaaliyeed. Ingiriiska iyo Talyaanigu ba way ogaayeen halka Soomaalidu u socoto Xornimada kaddib. Calankii laga taagay Hargaysa June 26, 1960, waxaa la saaray calanka buluugga ah ee xiddigta shangeeska ah dhaxda ku leh.

Laba maalmood kaddibna waxaa Xamar ka yimid Wafdi uu hoggaaminayo Aadan Cabdulle oo Woqooyi iskula soo afgartay in July 1, 1960 noqoto maalinta Xorriyadda Koofur iyo israaca labada gobol. Awoowayaasheen waxay ahaayeen dad is-oggol oo danta guud ka hormariya danta gaar. 5 maalmood kaddib israacii labada gobol, waxaa warqad ay u qoreen Golaha loo dhan yahay ee Qarsmmada Midoobay si loogu aqoonsado dal madax banaan.

Waxayna UNka Soomaaliya u aqoonsaday dal madaxbannaan September 20, 1960. Waxaana lagu qeexay sharciga 76aad, Xeerka 1479 (XV).

60 sano kaddib waxaa wali jira Jamhuuriyadda Soomaaliya, waloow aan soo marnay hagardaamo iyo turunturooyin badan. Jiilalka cusub ee hadda jira, waa kuwa la wareegi doona Mas’uuliyadda dalkan.

Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad la wareegtaan Mustaqbalka iyo ayaa-katalinta Soomaaliya sidii dhallinyaradii SYL ay sameeyeen oo kale. Xisbiga Garsoor Madaxdiisa iyo Xubnahiisaba, waxaa ka go’an in ay isku soo dunto dhammaan shucuubta Soomaaliyeed iyo inay u horseeddo Caddaalad buuxda oo loo siman yahay.

Goobjoog News