U bood dhigaalka

Xisbiga Qaran Ee UPD Oo Ka Hadlay Xiisadda Galmudug, Doorashada Jubbaland iyo Khilaafka DF iyo Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD)  ayaa maanta soo saaray qoraal uu uga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Galmudug, dooroshada Dowlad Goboleedka Jubaland, xiriirka iskaashiga iyo xoojinta nabadda ee dhawaan dhexmaray Puntland iyo Galmudug iyo khilaafka guud ee sii xoogeystay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in ka dib markii uu Xisbiga UPD garowsaday in waajib qaran ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo lana xalliyo dhammaan arrimaha ku geedaaman khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada; ha ahaado khilaaf guud iyo mid u kala gooni gooni ah, ayuu Xisbigu wuxuu soo saaray war-saxaafadeedkan oo ah mowqifka xisbiga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed oo suurtagalisa in dalku uu guud ahaan horey ugu socdo