U bood dhigaalka

Xisbiga UPD Oo Cambaareeyey Xayiraadda Madaxweyne Shariif Kuna Baaqay Shirweyne Degdeg ah

Sheeko:Dalka

Xisbiga Midowga Nabadd iyo Horumarka(UPD) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii lagu hor istaagay safarka madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed iyaga oo ka digay in hey’adaha qaranka ee bixiya adeegyada guud loo isticmaalo dano gaar ah oo ka hor imaanaya dastuurka KMG ah.

Waxaa kale oo Xisbiga UPD uu cambaareeyey xad-gudub kasta oo ka dhan ah muwaadiniinta ama dadka sumacadda ku leh Soomaaliya, kuwaas oo ka hor imaanaya dastuurka qodobka 12aad, faqrada 1aad.

Qodobada uu xisbigu ka digay waxaa ka mid ah in meel looga dhaco qodobdka 20aad, faqradiisa 1aad ee dastuurka KMG ah ee damaanad qaadaya xuriyadda ka qeyb-galka iyo abaabulka kulamada.

Ugu dambeyntii waxaa uu xisbiga UPD ku baaqay shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan saamileyda Soomaaliyeed oo looga tashanayo xaaladda dalka.

Halkan Ka Akhriso: