U bood dhigaalka

Xog: Goobjoog oo Heshay Warmurtiyeedka Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

5 Maalin ayaa laga joogaa markii Djibouti lagu soo gabagabeeyey wadahaddallada Soomaaliya iyo Somaliland, sidaas ay tahay dowladda federaalka ah kama hadlin waxa lagu heshiiyey halka Somaliland ay soo bandhigtay uun qodobbo cabbirayey isfahamka guud tiiyoo keentay kutirikuteen iyo Mala-awaal badan,  in la isweydiiyo aawey dokomentiga la kala saxiixday, ma jirtaa cid guuleysatay, aaway qoraalladii saxda ahaa ee fadhiyada guddiga, waa maxay sababta loo qariyey war-muriyeedka wadajirka ah ee shirka guddiga farsamada ee heer wasaaradeed?

Warmurtiyeedkan soo socda oo u gaar ah Goobjoog News, uuna mas’uuliyiinta ka helay, soona akhriyey Cabdicaziz Gurbiye waxaa uu soo ka soo baxay kulamada ergada farsamo ee heer wasaaradeed ee Soomaaliya iyo Somaliland kuwaas oo markii ugu horeysay is arkay 16-kii Juun 2020, waxaa taabbageliyeen kullamadan Mareykanka iyo Midowga Yurub, Qodobbada qalinka lagu duugay waxaa ka mid ahaa:

1. In la dhiso guddi ka kooban 14 xubnood, oo mas’uul ka noqon doona wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana kala hoggaaminayaan Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud(Faratoon), ujeedkuna waa in xal waara lgaa gaaro arrimaha la isku heysto.

2. Waxaa lagu heshiiyey tallaabooyin lagu xoojinayo isku-kalsoonaanta labada dhinac si loo dardargeliyo wada-hadallada, waxaana ay isla garteen in ay ka feejignaadaan wax kasta oo carqaladayn kara wada-hadalka.

3. Waxaa la isla gartey  in qodobbada la isku maandhaafsan yahay ee ku saabsan xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland loo daayo hoggaamiyeyaasha si ay iyagu xal kama  danbeys ah uga gaaraan.

4. Iyada oo la tixgelinayo dhaqanka iyo caadooyinka hodanka ah ee dadka Soomaaliyeed, waxa ay labada dhinac isku raaceen dhiirragelinta is-dhexgalka siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo dhaqan ee ka dhexeeya dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland.

5. Sida oo kale, iyada  oo loo hoggaansamayo xeerarka caalamiga ah, waxa ay labada dhinac mar kale caddaynayaan sida ay uga go’an tahay dhowrista xuquuqda asaasiga ah ee xorriyadda hadalka, isu-socodka iyo is-dhexgalka ee dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland.

6. Labada dhinac waxaa kale oo ay  isku raaceen in ay dhiirragelinayaan ka qaybgalka bulshada labada dhinac hawlaha la xiriira dhaqanka ee ay ka mid yihiin ciyaaraha, fanka iyo suugaanta. Si yoolkaan loo xaqiijiyo, waxaa labada dhinac isku waafaqeen in ay hirgeliyaan guddiga Iskuhaynta bulshada.

7. Si xal loogu helo danaha ka dhexeeya labada dhinac, waxaa la go’aamiyay in la sameeyo guddiyo dhowr ah oo wax ka qaban doona ajendayaasha ay ka mid yihiin gargaarka aadanenimo, kaalmooyinka horumarineed, iskaashiga amniga, wada-noolaanshaha bulshada, iyo maareynta hawada. Labada dhinac ba waxa ay mar kale caddaynayaan sida ay uga wada go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa iyo hirgelinta maamul-wanaagga iyo horumarinta ganacsiga.

8. Sidaas awgeed, labada dhinac waxa ay mabda’ ahaan isku raaceen in aan la siyaasadayn arrimaha muhiimka ah ee ka dhexeeya labada dhinac, waxaa na ay isla oggolaadeen in degdeg loo hirgeliyo guddi-hoosaadyo farsamo, kuwaas oo labo toddobaad gudahood ku kulma si ay uga shaqeeyaan dardargelinta hawlaha la is la ku raacay.

9. Guddi-farsameedka wadajirka ah ee heerka wasaaradeed waxa ay 45 beri gudahood ku kulmi doonaan dalka Jabuuti si ay u korjoogteeyaan u na qiimeeyaan shaqada guddi-hoosaadyada, u na sii wadaan wadahallada labada dhinac.

10. Ugu danbeyntii, labada dhinac waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo sii wadista wadahallada iyo in lagu shaqeeyo waqti la is la cayimay oo is-fahan guud lagu gaari karo.

W/Q: Cabdicaziz Axmed Gurbiye,

Xogtan waa mid ah u gaar ah bartan, lamana qaadan karo xigasho la’aan. 

Goobjoog News