U bood dhigaalka

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Oo Socdaal Ku Imaanaya Qaar Ka Mida Wadamada Africa

Sheeko:War

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex W. Tillerson ayaa socdaal ku imaanaya qaaradda Africa, inta u dhaxeysa 6-13 bishan Maarso. Arrinkan ayaa yimid ka dib war-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka shalay oo Khamiis aheyd.

War-murtiyeedka ayaa waxaa ku cadaa in Rex W. Tillerson uu booqan doono inta uu kuguda jiro socdaalkiisa, dowladaha Chad, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Nigeria, si uu ula sameeyo wada-xaajood hoggaamiyeyaasha iyo mas’uuliyiinta dalalkan.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Tillerson uu Adis-ababa uu kula kulmi doono hoggaamiyeyaasha ururka Midowga Africa, ayna ka doodi doonaan waddooyinkii lagu horumarin lahaa dowladaha iyo shucuubta Africa.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadli doonaan Tillerson iyo madaxda Midowga Africa mowduucyo kale oo ku saabsan la dagaalanka argigixisada, horumarinta nabadda iyo amniga, maamul wanaagga iyo horumarinta is weydaarsiga ganacsiga.

Socdaalka Tillerson ayaa imaanaya xilli uu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho ku marayo qaar ka mid ah wadamada Africa oo ay ka mid yihiin Senegal, Mali, Mauritania iyo Aljeria.

Goobjoog News