Xogta Goobjoog: Itoobiya Oo Ciidan iyo Hub Soo Gelisay Soomaaliya, Sidee ugu Tunteen Sharciga?

Ciidamo iyo gaadiid hor leh oo Itoobiyaan ah ayaa jimcihii soo galay gudaha Soomaaliya kadib markii ay ka soo gudbeen magaalada Jigjiga.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijinaya in kolonyo badan oo ay boqolaal askar ah saaran yihiin ay soo gudbeen 48-dii saac ee la soo dhaafay.

Ciidamadan oo ku wajahan qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka waxaa dusha uga qornaa midowga Afrika. Dowladda federaalka ah, AMISOM iyo xataa Itoobiya ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay ujeedka loo keenay iyo wax loo adeegsanayo.

Arrintan ayaa dhalisay shaki weyn mar haddii inta dooxatada ku timaada ee Itoobiyaan ah ay ka badan yihiin inta sidata koofiyada AMISOM iyo ciidamada Itoobiya oo cinwaan u noqday in loo adeegsado cabburinta dowlad goboleedyada iyo guud ahaan federaalka ka hirgalay Soomaaliya.

Itoobiya iyo Soomaaliya:

Marka laga soo tago taariikhda gumeysi ee Itoobiya, dagaallo iyo loolan qarniyo badan dhexmarayey labada dal hadana Adis Ababa kuma shaqeyso sharci, mana ixtiraamto daris wanaagga iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Itoobiya waxaa ay Soomaaliya iska dhexjoogtay tan iyo 1996-dii, inkasta oo ay Xamar timid iyada oo Mareykanku taageerayaan, horsocotana TFG-da xilligaas ka mid ma aheyn AMISOM ilaa markii dambe lagu daray January 22, 2014, waxaana la shaaciyey tiro 4,000, isbadalna kuma dhicin, laakin tirada saxda uu u joogta waxaa lagu qiyaasay in ka badan 15,000, oo 11,000 oo ciidamadaas ah kama tirsana AMISOM, waxayna si sharci darro ah uga hawlgalaan  gudaha Soomaaliya.

Sector-3 oo ahaa qeybta madax looga dhigay,  Baydhaba ilaa Baladweyn iyo qeybo Gedo ah waxaa loogu talo-galay tiro ahaan ciidankooda AMISOM ku jira ilaa  Baidoa and Beled Weyne. Ciidamada Sector-3 u jooga waxaa sharci ah qeyb joogta Baydhabo, halka ay ciidamo kale ay iskeed u geysay Buurhakaba, Bardaale, Qansax Dheere, Diinsoor oo Bay ah iyo Xudur, Waajid iyo Ceel-Barde oo Bakool ah.

Intaas kuma koobna ee ilo xog-ogaal ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya ee aan qeyb ka aheyn AMISOM ay sidoo kale joogaan Sector 2 oo labada Jubba ah oo Kenya ay madax ka tahay, Sector 4  oo Hiiraan iyo Galgaduud ah oo Djibouti ay joogaan iyo xataa Sector 5 oo Shabeellada dhexe ah oo Burundhi loo dhiibay, intaba Itoobiya waa joogaan, qeybna kama aha AMISOM.

Dowladda federaalka ah halkii ay xakameyn laheyd ciidamada Itoobiya, kana saari laheyd dalka kuwa sharci darrada ah waxaa ay dhiirigelisaa in qaar cusub yimaadaan, isla markaana ay adeegsato sida dhacday markii ay la dagaashay  Mukhtaar Roobow(2018), doorashadii Axmed Madoobe(2019), xiisadda Baladxaawo iyo doorashada Galmudug(2020).

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Related Articles

4 Comments

  1. Let the positive things flow inside your body, heal your soul many times, feel the realistic nature of elated feelings, your inner wishes are ready to get explored for good, you can pay attention and experience the goodness of everything, our sumptuous ladies have the kind of impact that soothe your arousals quickly, this realisation makes you a strong man, who can take further fixation of life. Delhi Escorts Service

  2. Viagra Espanol [url=https://bbuycialisss.com/]cialis generic release date[/url] buy cialis online with mastercard Cialis duracion del viagra

Leave a Reply to Delhi Escorts Service Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW