U bood dhigaalka

Xulista Duqa Muqdisho: Maxay Tahay in Looga Deydo  London, Paris, New York ama Nairobi?

Sheeko:Dalka

Waxaa socdo dadaalo uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku xulayo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho waxaa uu hadda ku yimaadaa xulista madaxweynaha, laakin waxaa jirtay xilli reer Muqdisho ay dooran jireen, waana dowladii rayidka ee inta u dhaxeysay 1960-1969-kii.

Waxaa kale, oo aqoonyahanno uu ka yimid yahay Faarax Qare ay Goobjoog News u sheegeen in Muqdisho mayor-keeda aan loo fiirin jirin beel hebel, oo dadka oo dhan noqon kareen, taasi oo ka duwan sida xaaladda ay hadda tahay.

Haddaba, halkan hoose ka akhriso sida magaalooyinka caalamka ee  la mid ah Muqdisho uga gudbeen mar hore  in qof la soo xulo iyo in lagu qiimeeyo oo keliya “Yaa magaaladan u dhashay”?

Caasimadda Ingiriiska ee London waxaa duq ka ah Sadiq Aman Khan, oo isaga London ku dhashay laakin waalidkiisa uu ka yimid dhulkii India iyo Pakistaan, waxaa uu ku yimid doorasho, loomana fiirin inuu leeyahay magaalada.

Duqa Paris waa Ana María “Anne” Hidalgo oo ah haweeney ku dhalatay dalka Spain, oo dhalasho ahaan waa Spanish-French, gabadhan kuma dhalan Faransiiska, dabcan dhulka Parisna ma leh, sidaasi ay tahay waxaa ay ku timid doorasho xor ah, oo xalaal ah.

Bill de Blasio  oo ah Duqa magaalada New York, isaga waxaa uu ku dhashay magaalada, laakin hooyadiis waa Talyaani halka aabihiisana uu ahaa  asal ahaan mid gala German, English, French, iyo Scots-Irish.

Haddii aan u nimaado dalka dariska nala ah ee Kenya waxaa Nairobi Governor ka ah Mike Mbuvi Sonko, waxaa uu halkaasi joogaa doorasho, ee ninkan waxaa uu ku dhashay Mombasa halka Mzee Kivanguli uu ka soo jeedo Machakos County.

Haddaba, malaga yaabaa in Muqdisho ay yeelato duq loo tartamo, oo doorasho ku yimaada, isla markaana aan loo fiirin beel?

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News