U bood dhigaalka

Yaa Guulaysan Doono Gobolka Banaadir Iyo Galmudug Tartanka Maamul Goboleedyada 2020

Sheeko:Cayaaraha

Kooxaha Kubbadda Cagta Gobolka Banaadir iyo Galmudug ayaa markii ugu horeesay wada dheeli doono heerka ugu danbeeya tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Labada koox oo ka soo wada baxay Groupka A,ayaa soo tiigsaday fiinalaha tartan markii kowaad,tan iyo markii labilaaway tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sanadii 2016.

Xidigaha Gobolka Banaadir iyo Galmudug oo 20 December 2020 wada ciyaaray kukankii furitaanka tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa natiijo ahaan ku kala baxay barbaro 2-2.

Kooxda Gobolka Banaadir waxa ay Afar dhamaadka ku reebeen xidigaha Koonfur Galbeed,waxayan martigeliyaasha kaga badiyeen natiijo 3-1.

Xidigaha Galmudug iyagana waxa ay heerka Afar dhamaadka gaarceen dariskooda Puntland,iyagoo natiijo 2-1 ku gaaray fiinalaha tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Labada Macallin ee kala hogaamiya Banaadir iyo Galmudug ee kala ah Daadir Amiin iyo Axmed Tahliil waa saaxiib isku dhaw,iyagoo in mudo ah u soo wada dheelay Xulka Qaranka,sidoo kalane ku xifaal tami jiray kubbadda cagta Soomaaliya,iyagoo kabtano u ah kooxaha LLP Jeenyo iyo Muqdisho City Club,waxayna labada Macallin Goobjoog Sports u sheegeyn in ay arinta u tahay guul weyn oo ay wada gaareyn.

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka:-Maamul Goboleedyada iyo G/Banaadir
Kooxaha:-Gobolka Banaadir VS Galmudug
Taariikhda:-31-December 2020
Maalinta:-Khamiis
Saacadda:-3:30PM
Cimiladda Xiliga Ciyaarta:33 °C
Garooka:Eng Yariisow Stadium

Daawo Balanqaadyo Loo Sameeyay Labada Dhinac

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle