U bood dhigaalka

Yaa Hortaagan in Doorashada 2020-ka Aaney Weji Yeelan?

Sheeko:Dalka

Iyada oo sanad iyo bar uun naga xigto doorashada guud ee 2020-ka ayaa waxa aanan muuqan weji loogu hagaago iyo hannaan sax ah oo la isku ogyahay taas oo keeni karta qas, kala orod iyo jahawareer marka uu waqtiga soo dhowaado ama arrinta laga cabsi qabo oo dib u dhac iyo waqti kororsi.

Haddaba, Goobjoog News ayaa bilaabeysa qoraallo tixane ah oo la xiriira in madaxda lagula xisaabtano muddeynta doorashada, dhameystirka hannaanka iyo sharciyada loo baahan yahay, si doorashada u dhacdo 2020-ka.

Todobaadkan, waxaan ka hadli-doonnaa Yaa Hortaagan in Doorashada 2020-ka aaney Weji Yeelan?

Xildhibaan Saabir Shiiriye, oo ah xildhibaan golaha shacabka ee BF oo arrinkan aan wax ka weydiiney waxaa uu yiri “Xukuumadda federaalka ah ayaa ka mas’uul ah, sida aad dareen madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu rabaa in doorasho aaney dalka ka dhicin, ilaa hadda ma cada qaabka doorashada, laguma heshiisin hannaan sax ah”.

Mr. Shuuriye oo ka hadlayey sharciga doorashada ayaa waxaa uu yiri “Arrinta sharciga doorashada, horta dastuurka ayuu khilaafsan yahay, qaabka loo soo qoray, shaqo in laga qabto ayuu rabaa, kaas oo aan shaqo laga qaban wax horay u soconayo ma jiraan, guddi ayaa loo saaray iyaga ayaana ka shqeyn-doona”.

Aqoonyahanka Yaxye Caamir oo arrinta doorashada 2020-ka kala hadlay Goobjoog News ayaa ku dooday in tashi la’aanta dowladda federaalka ah ay keentay in heerkan la soo gaaro“Waa run doorashada 2020-ka weji looma bixin, caalamka ayaa maalin walba dhahaya soo gudbiya nidaam doorasho, laakin jawaab looma hayo, mana ii muuqato in si dhow xal loo gaari-doono”.

“Waxaa caqabad ka iman-doontaa in hal mar laga guuro nidaam doorasho oo muddo dheer lagu soo socday, waxaa sidoo kale adkaan-doonta diiwaan-gelinta dadka gudaha dalka iyo kuwa dibadda jooga, degmooyin waxaa jiro aan la tagi karin, oo matalaad aan yeelan-doonin.

Goobjoog News