U bood dhigaalka

Dhaqaalaha Dalka Qatar: Ma u Dhutin Doonaa Xiriirka Ay U Jareen Sacuudiga & Xulufadiisa?

Sheeko:War

Subaxnimadii isniintii dalalka carabta iyo guud ahaan caalamka waxuu ku waabariistay dhacdo ka anfariirisay oo aheyd in mar qura ay dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn, Masar iyo Yemen ay xiriirka u jareen dowladda Qatar iyaga oo ku eedeeyay in ay taakuleyso kooxaha mayalka adag iyo argagixisada.

Dowlada Qatar ayaa dhankeeda iska fogeysay eedeymahaas iyada oo gaashaanka u daruurtay hadalada kasoo yeeray dowladahaas.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay dowladahan xiriirka u jaraan dalka Qatar, hase-ahaatee markan waxa ay u muuqataa mid ka duwan.

Tan iyo markii ay ku dhawaaqeen in dowladahan ay xiriirka u jareen Qatar waxaa bilawday tallaabooyin ay qaadeen labada dhinac oo midba midka kale kaga aargudanayo, waxaan tallaabooyinkaas kamid ah:

  1. Dalalka Masar iyo Imaaraadka waxa ay 48 saacadood u qabteen diblomaasiyiinta Qatar in ay dalalkooda uga baxaan.
  2. Diyaaradaha Etihad Airways iyo Emirates Airways ayaa sheegay in ay joojiyeen duulimaadyadii diyaaradooda ay ku tagi jireen ama ay kaga iman jireen magaalada Dooxa.
  3. Laba todobaad kahor ayey dalalka Masar, Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka mamnuuceen daawashada taleefishinno caan ah oo laga leeyahay dalka Qatar oo uu kamid yahay teleefishinka Aljazeera.
  4. Wadamada Sacuudiga, Masar iyo Baxreyn waxaa ay iyagana mamnuuceen duulimaadyada Qatar Airways ee dalka Qatar
  5. Dalka Qatar waxaa laga xeray dhammaan xaduudaha uu laleeyahay wadamada xiriirka u jaray, waxuuna xududuud dhulka ah la leeyahay Sacuudiga halka dalalka Imaaraadka iyo Baxreynna uu laleeyahay xuduud dhanka badda ah
  6. Dowladda Qatar ayaa iyadana ogolaatay in la dhexdhexaadiyo iyada iyo dalalka xiriirka u jaray.
  7. Diyaaradda Qatar Airways oo Soomaaliya u weecisay qadkeedii diyaaradaha kadib markii dowladaha Sucuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka ay ka xerteen hawadooda.

Saameynta Dhaqaale ee ay Dowladda Qatar Ku Yeelan Karto Arrintan:

Dalka Qatar waxuu daris la yahay dalaka Sacuudiga (xagga beriga), Imaaraadka iyo Baxreyn (xagga badda). Dhammaan wadamadaas waxa ay u jareen xiriirkii ay la lahaayeen iyaga oo diiday in ay wax u dhoofiyaan ama wax kasoo dhoofsadaan.

Si aan u ogaanno saameynta dhaqaale iyo midda ganacsi ee ay ku yeelan karto arrintan Qatar waxaan u kuurgalnay waxyaabaha Qatar ay soo dhoofsato iyo waxyaabaha ay dunida u dhoofiso iyo wadamada ay wax isku dhoofiyaan.

Badeecooyinka Qatar ay dhoofiso

Dalka Qatar waa wadanka 38’aad ee ugu badan wax-dhoofinta halka uu yahay wadanka 58’aad ee badeecooyinka ugu badan soo dhoofsada dunida. Hadaba suaasha isweydiinta mudan ayaa ah dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar, Baxreyn iyo Yemen maka midyihiin dalalka ugu badan ee Qatar ay wax-isku-dhoofiyaan?

Waxyaabaha ugu badan ee dalka Qatar uu dhoofiyo waxaa ugu horreeyo Petroleum Gas oo qiimo ahaan lagu qiyaasay $44.3 bilyan, waxaana soo labeeyo Crude Petroleum oo qiimo ahaan dhan $17 bilyan.

Dalalka ugu badan ee Qatar uu wax u dhoofiyo waxaa kaalmaha ugu horreeyo ku jira:

  1. Japan oo uu u dhoofiyo badeeco dhan $15.6 bilyan (sanadkiiba)
  2. Koofur Kuuriya oo uu u dhoofiyo badeeco/alaab dhan $15.4 bilyan (sanadkiiba)
  3. waxaa kaalinta 3’aad iyo 4’aad ku kala jira dalalka Hindiya iyo Shiinaha

Hadaba dalalka ugu muhiimsan ee wadanka Qatar uu suuq geeyo badeecooyinkiisa iyo waxyaalaha uu dhoofiyo kama mid aha dalalka xiriirka u jaray ee ay xurgufta ka dhexeyso. Sidaa darteed awoodda wax dhoofis ee dalka Qatar waxuu sii ahaan doonaa mid xooggan haddii Sacuudiga iyo xulufadiisa aysan qaadin tallaabooyin kale oo wax ka badali kara xaaladda dhaqaale ee dalkaas.

Badeecooyinka Qatar Loo Soo dhoofiyo

Badeecooyinka ugu muhiimsan ee Qatar loo soo dhoofiyo waxa ay u kala horreeyaan sida tan:

  1. Gawaarida ama baabuurta oo qiimo ahaan lagu qiyaasay $2.87 bilyan sanadkiiba
  2. Diyaaradaha/helicopters-ka oo sanadkiiba lagu qiyaasay $2.6 bilyan
  3. Dahabka oo sanadkiiba lagu qiyaasay $970 milyan

Dalalka ugu badan ee wax usoo dhoofiya dalka Qatar waxaa ugu horreeya dalka Shiinaha oo sanadkiiba Qatar usoo dhoofiya badeeco lagu qiyaaso $3.51 bilyan. Faransiiska ayaa ah dalka 2’aad oo sanadkiiba Qatar usoo dhoofiya badeeco lagu qiyaasay $3.23 bilyan, halka dalka Ingiriiska uu ayahay dalka 3’aad ee badeecooyinka ugu badan usoo dhoofiya Qatar waxaana badeecadiisa sanadkiiba lagu qiyaasaa $3.08 bilyan.

Hadaba waxaan halkan ka dhadhansan karnaa in dalalka xiriirka u jaray aanay aheyn wadamada ugu muhiimsan ee xiriirka ganacsi iyo mid dhaqaalaba laleh dowladda Qatar. Sidaa darteed xukuumadda Dooxa waa ay istaagnaan kartaa dhaqaale ahaan haddii xulufada Sacuudiga ay sii joogteeyaan xiriirka ay u jareen xukuumadda Dooxa.

Cunnooyinka

Culeyska kaliya ee dalka Qatar uu la kulmi karo waa cunnada oo uu wadamada Khaliijka kasoo dhoofsado taas ayaa keentay in shacabka reer Qatar ay shalay ku yaaceen goobaha cunnooyinka lagu iibiyo si ay keyd fiican guryahooda u dhigtaan.

Golaha Wasiirada ee dalka Qatar ayaa kulan dagdag ah yeeshay iyaga oo kulanka kadib dadweynaha la hadlay waxa ay dadweynaha u sheegeen in ay isdajiyaan oo cunno ku filan ay horay u keydisay dowladda Qatar. Dhanka kale, Qatar waxa ay cunnada kasoo dhoofsan kartaa dalka Iran oo ay xiriiriso badda mediterranean-ka ee galbeedka Aasiya. 12 saacadood ayeyna ku qaadaneysaa in cunnada laga soo raro Iraan ay soo gaarto Dooxa.

Dhanka kale warar dhawaan soo dhacay ayaa sheegaya in dowladda Sacuudiga ay ogolaatay in cunnooyinka loo dhoofin karo shacabka Dooxa.

Diyaaradaha & Duulimaadyada

Labada dhinacba waxa ay xanibeen diyaaradaha ay kala leeyihiin ee u kala gooshi jiray labada dhinac, waana qasaaro guud oo labada dhinacba ay wada qabaan.

Diyaaradda Qatar Airways ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku dhawaad 15-jeer isticmaashay hawada Soomaaliya halka markii hore ay mar ama laba mar adeegsan jirtay.

Dhanka kale diyaaradaha Emirates Airways iyo kuwa Sacuudiga waxa ay haystaan dhaqdhaqaaq iyo fursado ka fiican kuwa ay haystaan diyaaradaha dalka Qatar maadaamaa Sadexda dhinacba (jiho) ay ka xigaan Sadex dal oo kamid Shanta dal ee xiriirka u jaray xukuumadda Dooxa.

Gunaanad

Madaxda dalka Qatar waxa ay muujiyeen adadeyg iyo dhiiranaan. Dhaqaale ahaan waa dal xooggan balse bed ahaan ka yar dalalka ay hardamayaan. 2020-ka waxaa lagu wadaa in uu marti geliyo ciyaaraha adduunka, waxeyna arrintaas daliil u tahay in dhaqaalaha dalkaasi uu yahay mid qaan-gaar ah.

Markii aan fiirinay awoodda wax dhoofis oo dunida kaga jiro kaalinta 58’aad iyo wadamada ugu muhiimsan ee uu wax u dhoofiyo ama uu wax kasoo dhoofsado dalka Qatar uma muuqdo mid u dhutinaya xiriirka ay u jareen wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn, Masar iyo Yemen.

Dhanka kale waxaa jira dalal kale oo uu garab ka heli karo sida Iraan iyo Turkiga oo ku dhawaaqay in uu garabtaaganyahay Dooxa. Awooddiisa gaar ah iyo wasoodda dalalka garab taagan ayaa ka dhigeysa Qatar mid u babac-dhigi kara Sacuudiga iyo xulufadiisa.

W/D: Mowliid Axmed Xasan