U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo meel mariyay guddiga farsamada ee maamulka KMG ah ee gobollada koonfur galbeed

Sheeko:War
Xasan-III-300x200
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa caawa sameeyay xaflad afur ah oo lagu ansixiyay 18-ka xubnood ee Guddiga Farsamada ee Sameeynta Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Gobolka Koonfur Galbeed. Waxaa munaasabadda ka soo qeyb galay xubno ka socda Golaha Wasiirrada, odayaal ka soo jeeda dhowr deegaan oo ka tirsan Gobolka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo qeybo kale oo muhiim ah.

Sameeynta guddiga farsamo ayaa ah tallaabo kowaad oo muhiim ah oo loo qaaday fulinta heshiiskii ay 23-kii June, 2014 gaareen dhinacyadii isaga soo horjeeday Koonfur Galbeed. Heshiiska, oo uu dhexdhexaadiyay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa qodobbadiisa waxaa ka mid ahaa in la sameeyo Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Gobolka Koonfur Galbeed. Waxaa xubnaha guddigan muhiimka ah lagu soo xulay mabda’a siyaasadda loo wada dhan yahay waxaana xubnaha la soo xulay markii aad looga fiirsaday kartidooda shakhsi ahaaneed. Guddigan farsamada waxaa taageeri doona koox ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ku shaqeeyn doona hoggaanka iyo talada Ra’iisul Wasaaraha.

Saddexda hoggaamiye iyo odayaashii munaasabadda ka soo qeyb galay ayaa muujiyay farxaddooda ku aaddan sida ay u socdaan dadaallada Gobolka Koonfur Galbeed loogu sameeynayo maamul ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay. Waxay sidoo kale xuseen inay ka go’an tahay fulinta heshiiskii Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri:

“Tani waa guul kale oo muhiim ah oo laga gaaray dadaalladeenna ku aaddan gaarista Soomaaliya oo federaal iyo dimuqraaddi ah. Waxaa hadafkeennu yahay inaan dawladda u soo dhoweeynno shacabka oo aan taageerno midnimada. Hawshani waa ay adkayd, laakiin waxaan markii dambe ku guuleeysannay iskaashigeennii waanan ku wada faraxsannahay natiijada. Waxaan caawa isugu nimid inaan ka hambalyeeyno dadaalkii badnaa ee lagu bixiyay heshiiskii la gaadhay iyo sameeynta guddiga farsamada oo fududeeyn doona sameeynta Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Gobolka Koonfur Galbeed.”

Isagoo taageeraya hadallada Madaxweynaha, ayuu Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed yiri:

“Waxaan jecelahay inaan u hambalyeeyo xubnaha guddigan oo aan u rajeeynayo inay ku guulaystaan shaqada muhiimka ah ee sugaysa. Waxaan ballanqaadayaa inaan taageero buuxda siiyo hannaankan waxaanan guddiga xasuusinayaa inay Xukuumadda Federaalka ah si buuxda uga go’an tahay in guul laga gaaro hawshan, oo aad muhiim ugu ah in dalkeenna uu ku guuleeysto nidaamka federaalka iyo in dalka laga sameeyo Gobollo Soomaaliyeed oo Federaal ah. Golahayga Wasiirrada iyo aniguba waxaan ku faraxsannahay inaan guddigan kala shaqeeyno gaarista hadafkaas muhiimka ah.”

Dhiniciisa, wuxuu Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Jawaari xukuumadda uga hambalyeeyay sida ay ugu dadaalayaan nidaamka federaalnimada, wuxuuna yiri:

“Waxaan xukuumadda uga hambalyeeynayaa guushan siyaasadeed. Tani waxay mataleeysaa asaaska sameeynta maamul-goboleed ku-meel-gaar ah, waxaanan rajeeynaynaa inay guddiga farsamadu ku guuleeysan doonaan inay fuliyaan hannaanka lagu sameeynayo maamul ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay.”

 

— DHAMMAAD —