U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed oo sheegtay in dagaalkii Baydhabo lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo Al-Shabaab ah

Sebteembar 28, 2026

Baydhabo – Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan dagaalyahanno ajaaniib ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dagaalka uu ka dhacay magaalada Baydhabo, kaddib markii ciidanka ammaanka ay ka hortageen weerar ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaaday magaalada, kaas oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalka lagu furtay hub iyo gaadiid dagaal, halka gaadiid kale oo ay kooxda adeegsanaysay la gubay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, weerarka ayaa lagu beegsaday goobo ganacsi, xarumo waxbarasho, xarumo caafimaad, masaajiddo iyo dhismayaal kale oo ku yaalla magaalada Baydhabo.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ciidamadeedu si degdeg ah uga jawaabeen weerarka, isla markaana ay ku guuleysteen inay iska caabiyaan kooxda, iyagoo sheegay in xaaladda amniga magaalada ay gacanta ku hayaan.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka laguma sheegin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaray ciidamada Koonfur Galbeed iyo dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Baydhabo.

Dagaalka maanta ka dhacay Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli ay magaalada ka taagan tahay xiisad amni, iyadoo la adeegsanayo hub culus iyo diyaarado aan duuliye lahayn.