U bood dhigaalka

Xil. Jeesow: Nidaamka Federaalka waa caqabad ku soo korortay umadda Soomaaliyeed

Sheeko:War

daahir jeesoowGuddiga arrimaha Gudaha iyo Maamul u samaynta Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay   caqabadaha ka dhalan kara Maamullada Dowladda ay   ka hir galinayso Gobollada Dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka   Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in in Nidaamka Federaalka ee Dalka uu qaatay uu yahay sida uu warka u dhigay caqabad ku soo korortay Ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu tusaale u soo qaatay Daahir Amiin Jeesow muranka xoogan ee ka dhashay Heshiiskii Dowladda gar wadeenka ay ka ahayd ee lagu midaynayo Gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Maamullada qaar ee hada ka dhisan Dalka ayuu ku tilmaamay Jeesow in ay yihiin kuwo baal marsan sharciga Maamul u saamaynta ee ku xusan Dastuurka.