U bood dhigaalka

Xildhibaan hore oo sheegay in qorshe maamul goboleed laga wado gobolka Hiiraan

Sheeko:War
0417
Taallada Magaalada Beledweyne, Gobolka Hiiraan

Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo   ku sugan Magaalada Beledwayne ayaa sheegay in ay bilaabeen kulamo looga hadlayo sidii Maamul Goboleed raali ay ka yihiin dadka Deegaanka looga hirgalin lahaa Gobolkaasi.

Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Magaalada Beledwayne, kuwaas oo shalay halkaas ka degay.

Gaagaale oo ka mid ah Wafdiga gaaray Magaalada Beledwayne ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan ay ka hirgalin doonaan Maamul ay ku qanacsan yihiin Shacabka Gobolka.

Hadalka masuulkan ayaa ku soo beegmaayo xilli warar hoose ay sheegayaan in dowladda federaalka Soomaaliya ay dooneyso in maamul Goboleed u sameyso Goballada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, balse waxaa kasoo hor maray qorshahan hadda ka socda Beledweyne.