U bood dhigaalka

Xukuumadda soomaaliya oo ka hadashay sababtii loo xiray idaacadaha Shabeelle iyo Sky

Sheeko:War

Xukuumadda soomaaliya ayaa shegtay iney xirtay idaacadaha shabeelle iyo sky ka dib markii ay baahiyeen warar khal-khal ku ah ammaanka shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka wassaradda amniga qaranka Maxamed Yuusuf Cisman oo war baahinta la hadlay ayaa sheegay insi ku meel gaar ah loo xiray laba idaacadood, isagoo sheegay ineey hurinayeen qabyaalad iyo iney khal-khal geliyeen ammanka muwaadiniinta.

Afhayeenka faafaahin kale baxin waxa laga yeelayo wariyayasha ciidamada dowladdu ay xireeen, isagoo xusay in wixii dheeraad ah ay dib ka soo sheegi doonaan.

ada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa barqadii maanta gudaha u galay Xarunta ay degan yihiin Idaacadaha Shabeele iyo SKY oo kamid ah Idaacadaha madaxabanaan ee Magaalada Muqdisho ku yalo, kuwaasi oo xaruntooda ay ku taalo degmada Hodan,nawaaxiga Gurigii hore ee C/qaasim, waxaana ay hawada ka saareen Idaacadaha, kadibna qabtay  qeyb ka mid ah shaqaalihii Idaacadahaasi.