Ra'iisal wasaare Cabdiweli SHeekh oo gaaray xeryaha qaxootiga Dhadhaab
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli SHeekh Axmed oo maalintii labaad ku sugan dalka Kenya ayaa maanta gaaray xerada qaxootiga DHadhaab, halkaas oo ay ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 5 boqol oo kun oo qof.
Ra’iisal wasaare Cabdiweli ayaa kulamo la qaatay wakiilo ka socday laanta arimaha qaxootiga ugu qaybsan Qaramada Midoobay UNHCR, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, iyo hoggaanka qaxootiga Soomaaliyeed ee DHadhaab.
Cabdiweli ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo la qaato guddi dhowaan gaaray magaalada Kismaayo si ay u soo qiimeeyaan goobaha la dajin karayo qaxootiga doonaya in ay si iskood ah ugu laabtaan Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor magaalada Addis ababa uga soo qayb galay shir looga hadlayay arimaha qoxootiga ka hor inta uusan gaarin Kenya.
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool DHadhaab ayaa lagu qiyaasaa inay ka badan yihiin nus malyuun qof, dowladda Kenya ayaana marar badan ka dhawaajisay inay ka go’an tahay dib u celintooda, iyadoo ku eedaysay qaxootiga inay ka dambeeyaan amni xumida dalkeeda soo food saartay muddooyinkan dambe.