U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo ka hadlay maleeshiyo weerartay garoonka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka, War
Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ciidamo beeleedka ku sugan galbeedka magaalada Gaalkacyo aysan waxba u dhimin amniga waqooyiga magaaladaas.

Axmed Muuse oo ah guddoomiye ku xigeenka gobalka Mudug ee Puntland ayaa beeniyay wararka sheegaya in garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ay weerareen ciidamo beeleed uu sheegay in ay ku sugan yihiin waqooyi galbeed ee  magaaladaasi.

Wuxuu tilmaamay in ciidamadaasi dhowr jeer maamulka lagu soo biiriyay, hase yeeshee aysan garanaynin sababaha ay halkaasi u joogaan.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo qeybta waqooyi ayuu sheegay in aysan waxba u dhimin.

Hoos ka dhageyso codka Axmed Muuse: