U bood dhigaalka

Shacabka oo Looga Digey Biyaha Xeebta Liido oo Wasaqoobey

Sheeko:Caafimaadka

Todobaad kasta kumanaan shacab ah ayaa ku xooma xeebaha caasimadda, gaar ahaan xeebta caanka ah ee Liido halkaasi oo ay kusoo dabaashaan, kuna damaashaadaan, laakiin waxaa hadda soo baxaya digniino aanan dhegaha laga fureysan karin oo ku saabsan halis weyn oo kasoo fool leh biyaha xeebta Liido.

Admiral Faarax Qare waa guddoomiyaha hey’adda cilmi-baarista badda, waxa uu sheegey in daraasad ay sameeyeen ay ku ogaadeen in biyaha xeebta ay wasaqoobeen, halis caafimaad oo weyna ay ku yihiin dadka halkaasi ku dabaasha.

Daraasadda oo lagu soo bandhigey Muqdisho ayaa waxa ay wasaqoowga sabab uga dhigeysaa wasaqda badan ee badda lagu qubo sida dhiigga xoolaha ee Kawaanka Bari, iyo waliba bulaacadaha ku ku qulqula badda.

Horey ayaa sidan oo kale hey’adda cilmi baarista badda ay kaga digtey dhibaatada ay leedahay in wasaqda lagu shubo badda meelaha ay dadka isticmaalaan.

Goobjoog News