U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka oo Shaacisey In ay Soomaaliya Dib Uga Bilaabayso Hawlaheedii Dublamaasiyadeed

Sheeko:Caalamka

War murtiyeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka oo uu ku saxiixnaa afhayeenka wasaaradda John Kirby ayaa lagu shaaciyey in dowladda Maraykanka ay dib u bilaabayso hawlgalkeedii dublamaasiyadeed ee Soomaaliya ee hakadka ku jirey.

“Hawlgalka cusub ayaa waxa uu astaan u yahay sii socoshada xiriirka iskaashiga ah ee Maraykanka iyo Soomaaliya tan iyo intii dowladda Maraykanka ay soo celisey aqoonsigii dowladnimo ee ay Soomaaliya u heysay 17-kii bishii Janaayo, 2013” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hawlgalka ayaa waxa uu saldhiggiisa ahaan doonaa gudaha safaaradda Maraykanka ee Nairobi, Kenya, iyada oo uu madax ka ahaan doono u qeybsane illaa inta madaxweynaha kasoo magacaabayo safiir cusub.

“Waa talaabadii labaad ee lagu unkayo xiriir dublamaasiyadeed labada dhinac tan iyo booqashadii taariikhiga ahayd ee xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka John Kerry uu ku tagay Soomaaliya 5-tii bishii May, 2015-ka” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadeedka.

Dowladda Maraykanka ayaa horey ula noqotey safiir ay halkani usoo magacoowdey, sababo aanan aad loo faahfaahin.

Goobjoog News