U bood dhigaalka

Maalinta AIDS-ka oo Laga Xusay Muqdisho iyo Wasiirka Caafimaadka oo Arrintaas Ka Hadlay

Waxaa Maanta Caasimadda Muqdisho laga xusay Maalinta AIDS-ka oo sanad walba dunida laga xuso December 1-deeda, waxaa Munaasabadaas ka qeyb-galay Mas’uuliyiin badan oo Wasaaradda Caafimaadka ay horkaceyso.

Waziirka caafimaadka xukuumada soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegatay in wazaarada caafimaadka ay dadaal ku bixin doonto sidii dadka qaba cudurka AIDS-ka ay u heli lahaayeen daryel wanaagsan iyadoo hada Soomaaliya ay ku nool yihiin dad badan oo qaba cudurkaasi, sida ay Wasiirka sheegtay.

waziir xaawo ayaa intaa ku dartay in wazaaradu ay sameyn doonto siminaaro lagu wacyi galinayo dadka qaba cudurka HIV AIDS-ka  iyadoo xustay  in wazaaradu ay qorsheyneyso sidii dadkaasi looga bixin lahaa lacaga kirada guryahay ay ku nool yihiin dadkaasi madaama ayasan awoodin in ay iska bixiyaa kirada guriga

Waxa ay sheegtay in dhawaan wazaaradu ay hirgalin doonto xarumo caafimaad oo lagu daryeeli doono dadka qaba xanuun kaasi oo hada ayasan jirin xarumo lagula tacaalo

Waziirka wazaarada caafimaadka Xaawo Xasam Maxamed ayaa sidokale hoosta ka xariiqday in wazaarada caafimaadka hadii ay sii joogto ay xaafiis ku yeelan doonaan dadka lanool cudrka eydhiska

Ugu dambeyntii waxa ay ugu baaqday dadka lanool cudurkaasi in ay banaanka isku soobixiyaan si ay u helaan beytiri daryeel caafimaad oo wanaagsan

Waxaa waiirka wareystay xasan kaafi xaaji maxamed oo katirsan goobjoogfm