Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Iyo Ku Xigeenadiisa Oo Maanta La Dooranayo
Maanta waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay ay ka dhacdo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed iyo gudoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaankaasi.
Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ah 149 ayaa doorashadaan waxaa codeynteeda ka qeybgalaya 144 mudane.
Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka gala xarunta doorashada lagu qabanayo la dhigay ciidamo badan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed Waxaa u tartamaya
Cabdiqadir Sharif Sheekhuna Maye
Cali Xasan Cusmaan
Guddoomiye ku xigeenka Koobaad:
Ibrahim Xasan Buulle
Maxamed Nur Macalin
Gudoomiye ku xigeenka Labaad waxaa u tartamaya
Aweys Xuseen Macalin
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena
Goobjoog News