Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi Oo Dhaliilay Hay’adaha Caalamiga ah ee UN-ka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, isagoo jooga dalka Kuwait ayaa hay’adaha Caalamiga ee UN-ka ku eedeeyay inaaney Soomaaliya ka gudbin xogtii muhiimka ahayd ee looga baahnaa.
Xildhibaanka ayaa waxa uu ka qeyb galay shir caalami ah oo dalalka Carabta uga furmay dalka Kuwait loogana hadlayay arrimaha Qorsheynta iyo waxsoosaarka.
meesha waxaa kasoo qeyb galay dalal gaaray illa 19 dal oo jaamacadda Carabta ka tirsan, waxaa ayaan darro ah runtii markii laga hadlayay barnaamijyada Horumarinta Bulshada, oo lagu qiimeynayay dal walba horumarka meesha uu ka gaaray, waxaan nasiibdarro ah hal-qodob oo Soomaaliya ka hadlayay inaan la keenin meesha.
markii dal walba laga hadlayay Soomaaliya meelna laguma xusin, iyadoo aan ognahay kaalinta ay Soomaaliya ku leedahay Jaamacadda Carabta, haddii ha laga hadlo ay yiraahdeenna meel aan ku jirno ayay ka waayeen.
waxaan ku dadaalney ayuu yiri xildhibaanku wax alaaliyo wixii aan heli karno ee Docomentiyo ah qaar aan wadney iyo qaar wasaaradda qorsheynta laga soo qaaday waxaas oo dhan ayaan usoo bandhigney, waxayna keentay wax badan oo faa’iido ah oo ugu yaraan ah in umadda Soomaaliyeed heshay fursad fiican oo lagu soo bandhigay arrimaha khuseeya Soomaaliya.
arrimaha waxbarashada markii ay ka hadlayeen waxay soo qaateen, ayuu yiri xildhibaanku, in Soomaaliya ay ka furan yihiin 6 iskuul, Jaamacadana hal xabbo oo kaliya ay ku taallohalka Muqdisho ay 50 Jaamacadood ka furan yihiin, ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada aadaana ay boqolaal kun ay marayso, Soomaaliyana ay tahay dowladdii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee sameysa ololaha ciribtirka wax akhirin la’aanta, barnaamijkaasina waxa uu noqday mid soo jiitay jawiga shirka soona jiita ka qeyb galayaasha shirka.
“waxay kala garan la’yihiin Soomaaliyadii todobaatameeyadii iyo Soomaaliyadii sideetameeyadii inaan lagu cabiri karin Soomaaliyada maanta, waxaan sheegnay in shahaadadii ugu horreysay ee Unicef ay siisay Soomaaliya oo ahayd koob dahabi ah, waa in dadka aad isbarto maxaayeelay qof aan ku garaneyn kuma qiimeynayo”, ayuu yiri cabdiraxmaan Ibbi.
“waxaa noo soo baxday ayuu yiri xildhibaanku; in hay’adaha UN-ku aaney warbixinada muhiimka ah ee loo baahan yahay aaney ka bixin Soomaaliya, wasaaradaha dowladdu way dadaalaan, laakiin hay’adaha Caalamiga ah iyagaa wax laga dhageystaa xogtii loo baahnaa Soomaaliya kama bixiyaan”, waana sida uu hadalka u dhigay.
xildhibaanka ayaa tilmaamay iney luntay wixii xaq ahaa ee aan horey u gudbisanay ee adduunka ku jiray, waxaa la raaciyay dhibaatada maanta dalka ka jirta, dad baahan, masaakiin ah badda ku la’anayo, meelaha yaacayo wada ordayo, waxay qabsadaan iska dhaafe aan wax loo qaban, isleynayo oo waxay isku leynayaanna aan la garaneyn.
xildhibaanka ayaa waxa uu ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay dadka ka qeyb galaya shirarka caalamiga ah ay dadka waxbaraan, maaha iney raashinka iska cunaan oo kaliya ama ay hotelada iska seexdaan, waxa macnaha sameyn karaa waa tayada dadka shirarka caalamiga ah loo dirayo iyo iney garan karaan waxa laga doodayo.
Xildhibaan Ibbi ayaa waxa uu ka qeyb yahay wafdi ka socda guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo si gaar ah loogu casuumay shir caalami ah uu soo qaban qaabiyay machadka Qorsheynta Carabta oo ka furmay Dalka Kuwait, shirkan ayaa ula jeedadiisu ahayd ka hadalka waxsoosaarka iyo horumarinta dalalka Carabta.
Goobjoog News