Xildhibaanno Ku Baaqay Joojinta Dagaallada Ka Socda Gobolka Sool

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka dhiigga badan ku daadanayo ee ka socda degaanka Dharkeyn Geenyo.
Xildhibaanno ay ku jiraan, Yuusuf Maxamed Cali, Cabdullaahi Xasan Rooble, Nuur Faarax Jaamac, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxmed, Maxamed Cabdullaahi Xasan Fadheeye oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta baarlamaanka federaalka ayaa yiri:
“Anagoo ah xildhibaanadii Federaalka waxaanuu baaq u direynaa umadda Soomaaliyeed ee isku leynayasa agagaarka magaalada dharkeyn-geenyo, ee dadka badani ay ku dhinteen oo aaney ahayn runtii iney dhacdo arrinta noocaas ah, wax habboon maaha, wakhtigeedii lama joogo, waxaan dooneynaa dagaalkaasi sabab la’aanta u dhacay in shroud la’aan lagu joojiyo, oo aan loo baahneyn naf aan waxay galabsatay jirin in lagu dilo sidii kuwii horeba ay u dheceen, wax weyn oo la taaban karo oo dadkaasi ay ku dhinteen aaney jirin”.
Xildhibaanada ayaa ku soo celceliyay dagaalka in la joojiyo, tilmameyna inuu khalad ahaa, bishii Ramadaanna lagu jiro dadka dagaalamayaana ay yihiin dad waloolo ah oo aad iskugu dhaw, waxay sheegeen xildhibaanadu iney doonayaan inaan khaladkaa lagu sii socon oo dagaalka si degdeg ah loo joojiyo.
Degaanada Dharkeyn Geeyo iyo Dhuumey ayaa waxaa ka socda dalgaal sokeeye oo ay ku dhinteen dad gaaray illaa hadda 30 qof, dagaalka ayaa waxa uu ka dhashay mag ay kala qaadaneyn beeha degaanadaas oo isku afgaran waayay, iyadoo goobta lagu laayay cuqaal iyo waxgarad magtaa u fadhiyay.
Goobjoog News