U bood dhigaalka

Xildhibaan Shaki ka Muujiyay Fulinta Shaxda Habka Doorashooyinka ee 2016

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaki ka muujiyay suurtogalnimada fulinta shaxda hanaanka doorashada 2016, waxaanuu sheegay in loo baahan doono wakhti dheeri ah marka laga qiyaas qaato hawluhu sida gaabiska ah ee ay hadda ku socdaan.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa xusay in shaxda doorashada ay ahayd iney guddigu isla gartaan, laakiin aan laga hor dhicin:

“Waxna waa wax banaanka anagoo joogna ogaan karno, sida; qodobkii ahaa odoyaashii 135 liiskoodii in la isku raacay, magacaabista guddiyadii doorashada heer qaran waa la sameeyee, waxaa dhici karta in kuwii kalena la sameeyay, shaxdii waa la arkay, meelaha qaar maalmo dhan baa la isku soo caburiyay, waa shax ay ahayd in guddiga howsha fulinayaa iyaga laftigoodu ay soo sameeyaan, maalintaas ayaa waxaas la qabanayaa waxay u taallaa guddigaas, waxay u muuqataa in sida ay hadda wax yihiin ineysan u fuli doonin baan u maleynayaa”.

Waxa uu xusay in saadkii doorashada aan la hayn, dadkii maamuli lahaana aan la isku raacsaneyn:

“Hadduu jiri lahaa dhaqaale maamulkooda la isku ogsoon yahay oo beesha caalamka waxa laga sugayo aan ahayn oo gobolkasta oo doorashada lagu qabanayo dhaqaalihiisa meesha la geeyo, waa laga gaarsiin karaa- in doorashada wakhtigeedii lagu qabto, laakiin waxaan shaki badan ka qabaa in saadkiina aanuu diyaarsaneyn, cidda maamuleysana aan heshiis lagu ahayn, haddii wax kastaa uu diyaar yahay, hawl qabadkii un la sugayo, haddii la dadaalo waa la qaban karaa”.

Xildhibaan Shariif waxa uu ka hadlay malihiisu inuu tusinayo in wakhti dheeri ah loo baahan doono:

“Malahaygu waxa uu i tusinayaa in meeshan 3 bilood oo hor leh ay qaadan doonto, haddii aan ka qiyaas qaato habdhaqanka maamulka iyo gurguurashada hawlaha dhakhsi loo fulineyn, jadwalka guddiga doorashada shaki weyn baa iiga jira inuu sidiisa u fulayo waxaa dhici kartay illaa bisha December iney gaaraan”.

Guddiga doorashooyinka heer qaran ayaa la magaacay 30 Juun, guddigan ayaa ah kan loogu tala galay fulinta doorashooyinka dalka heer qaran, iyadoo looga fadhiyo in bisha August dalka ay gaarsiiyaan inuu  yeesho dowlad cusub oo dalka maamusha.

Goobjoog News