U bood dhigaalka

Ansixinta Heshiisikii DP World oo Saameyn Taban Ku Yeeshay Baarlamaanka Somaliland

Sheeko:War

Ansixinta Heshiiskii DP World ee maalgelinta dekedda Berbera ayaa saameyn aan wanaagsaneyn ku yeeshay habsami socodka shaqada ee baarlamaanka oo anxisinta heshiiska ka dib si gaabis ah u socda.

Xildhibaanada ka soo horjeestay  ansixintii  heshiiska ayaa ku doodaya in lacag ay xukuumaddu siisay xildhibaanadii heshiiska ansixiyey ay saamayn ku yeelatay shaqadii golaha wakiiladu u hayey bulshada.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ahaa xubno  xildhibaanno ah oo ka soo horjeeday heshiiska  ayaa sheegay  in ansixinta heshiiskan xildhibaanadu ku meel mariyeen lacago gaareysa illaa  $9000 oo ay xukuumadda ka qaateen xildhibaanadu , taas oo  saamayn ku yeelatay shaqadii goluhu bulshada u hayeen, iyadoo  fadhigii kaa ku xigayba  ay diideen badankoodu  in dood laga furo sharciyeyta   wax ka bedel lagu sameeyo qaabka xukuumaddu  umaamusho hantida guud .

Xildhibaankan ayaa tilmaamay in  doodaasi  haddii ay meel marto, waa tan ku saabsan sharciga hantida guud; oo ay noqoto xeer goluhu u fadhiisto lana ansixiyo ay saamayn ku yeelanayso  hanti guryo iyo dhul iskugu jirta oo danta guud ee dadka ka dhaxaysa ah ay xukuumaddu ka iibinayso ganacsato .

Xildhibaan Qabile oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa yiri ” wax kast oo sharci darro loo qaataa waxay saamaynaysaa waxii sharciga ahaa lacag sharci darro ah oo ay xildhibaanadu qaateen ayaa hakisay shaqadii dhammaa ee golaha shacabku u igmadeen”.

Arrinta dhalisay doodda ah in xildhibaanadu lacag  ka qaateen xukuumadda si ay ugu meel mariyaan  heshiiska dekadda Berbera ayaa bilaabatay ka dib markii xildhibaanno mucaarad u badnaa oo meel adag ka taagnaa heshiiska maalintii koowaad  ee fadhiga ay shaaciyeen maalintii labaadba inay ka tanaasuleen dooddii iyagoo ugu dambey cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska.

Goobjoog News