Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo munaasabadda dhaarinta xildhibaannada Labada aqal, kuwaasi oo dhowaan lasoo doortey.
25-kii bishan, qoraal kasoo baxay madasha hoggaanka qaran waxaa lagu go’aamiyey in 27-ka bishan oo ku beegan maanta oo Talaado ah iney dhacayso dhaarinta xildhibaananda Labada aqal.
Wadarta guud ee xildhibaannada Labada aqal waa 347, balse waxaa la doortey 304 mudane oo 11-kamid ah lalaalay in kastoo aan la ogeyn inta lasoo fasixi doono ee maanta dhaarta ka qeygali doona.
Maamullada iyo Sida ay Xildhibaannada la doortey uga kala yimaadeen:
| Magaca Maamul | Aqal Hoose | Aqal Sare | Wadarta |
| Puntland | 37 | 11 | 48 |
| K/galbeed | 69 | 8 | 77 |
| Somaliland | La Doortey 34 | Lama dooran | 34 |
| Jubbaland | 43 | 8 | 51 |
| Hirshabelle | 37 | 8 | 45 |
| Banaadir | 5 | 0 | 5 |
| Galmudug | 36 | 8 | 44 |
Hadaba maanta ayaa la sugayaa in la dhaariyo xildhibaannada la doortey, iyadoo dhanka kale guddiga doorashada laga sugayo iney soo dhameystiraan doorashada xildhibaannada kale ee weli harsan.
Goobjoog News