U bood dhigaalka

Madaxtooyada Galmudug oo Beenisay In Madaxweyne Guuleed uu Is Casilay 

Sheeko:War

Warqad ka soo baxday Xafiiska Agaasimaha Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu beeniyay qoraal lagu baahiyay baraha bulshada oo lagu sheegayo in madaxweyne Cabdikariim Guuleed uu aqbalay xil ka qaadis la sheegay iney baarlamaanka Galmudug ay ku sameeyeen.

Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Aadan ayaa si rasmi ah u been qoraallo been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada, waxa uuna sheegay in madaxweye Guuleed uu aaminsan yahay in ay sharci darro tahay waxyaabaha ay baahisay saxaafadda ee xilka qaadistiisa ku saabsan, isla markaana aanuu aqbalayn.

Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedkii Madaxtooyada Galmudug:

war-saxaafadeed galmudug

War-Saxaafadeedka Madaxtooyada Galmudug

Goobjoog News