U bood dhigaalka

Faa’idooyinka Caafimaad Oo Ay Biyahu Leeyihiin

Luuliyo 22, 2017

Biyaha ayaa ah sheyga ugu weyn uu ka kooban yahay jirka bani’daanka, sida la ogyahay jirka ayaa ka kooban 55- 75%  biyo.

Biyaha ayaa waxay leeyihiin faa’idooyin caafimaad oo dhowr, kuwaas oo muhiim u ah jirka bani’aadanka waxaana ka mida faa’idooyinkaas.

1 . waxay yareeyaan Daalka:

Hadaad dareentid daal iyo tabar yari haddaba ogow waxaa kugu yar cabista biyaha, daalka ayaa waxa uu ka mid yahay caalamadaha ah in jirka uu biyo u baahanyahay.

2 . waxay daawo u yihiin madax xanuunka iyo goon jabka:

Baaritaanno la sameeyay ayaa waxay tilmaamayaan in biyahay ay daawo u yihiin goon jabka iyo madax xanuunka, hadduu madaxa ku xanuuno waxa ugu horreeya oo aad qaadaneyso ha noqdaan cabista biyaha.

3 . waxay  daawo u yihiin dheefshiidka :

Biyaha ayaa daawo waxay u yihiin shaqeynta habdhiska dheefshiidka, waxayna ka qeyb qaataan shiididda raashinka waxay ka hortagaan sidoo kale in ay caloosha istaagto.

4 . waxay nidaamiyaan heer kulka jirka:

Jirkaaga oo ay ku jiraan biyo badan waxay caawinee inuu deelistirmo heer kulka jirkaaga, sidoo kale waxay waxay ilaaliyaan biyaha caafimaadka murqaha iyo kala goysyada jirka.