U bood dhigaalka

Caano Sumeysan Ayaa Ku Baahay Qaar Ka Mida Wadamada Dunida

Sheeko:Caafimaadka

Shirkadda Lactalis ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa in ka badan 12 milyan oo cartoon ee caanaha caruurta ah waxay ka celisay suuqyada 83 dowladood waxaana lagu sheegay sababta in ay sumeysanyihiin caanaha.

Emmanuel oo ah maamulaha fulinta shirkadda ayaa warbaahinta faransiiska u sheegay heerka ay gaarsiisantahay halista caanahaan wasqoobay.

Shirkadda ayaa waxay bilowday in suuqyada ay ka bixiso wax soo-saarka caanaha bishii December ee tagtay ka dib markii la ogaaday in caanaha ay sumaysanyihin kuna faaftay Bacteria loo yaqaano Salmonella.

Kooxda Lactalis ayaa waxaa lagu tiriyaa mid ka mida shirkadaha ugu waa weyn dunida ee soo saara caanaha, waxaana lagu qiyaasaa wax-soosaarka sanad laha ah ee shirkadda ku dhawaad 17 bilyan oo Yuuro ah waxayna 246 warshadood ay ku leedahay 47 dal waxaana xarunta faransiiska ay ku leedahay ka shaqeeya 15 kun oo qof.

Caanahaan sumeysan ayaa waxay gaareen qaaradaha Yurub, Aasia, Mareykanka iyo Afrika, balse ma aheysan gaarin wadamada UK, Mareykanka iyo Australia.

Bacteriada Salmonella ayaa ah mid ka mida suntan cuntada lagu daro waxaana ka mida caalamadaha lagu garto Shuban,Matag,jirka oo qalala, waxayna Bacteriadan ay halis ku tahay nolosha gaar ahaan caruurta yaryar.

Qoysaska qaar ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah shirkadda waxayna sheegeen in caafimaadka caruurtooda uu xumaaday ka dib markii ay cabeen caanaha, shirkadda ayaa ballan qaaday in ay magdhow siin doonto qoysaska ay waxyeellada ay ka soo gaartay caanaha.