Suudaan Oo Safiirkeeda Dib Ugu Celineysa Qaahira
Sheeko:Caalamka
Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ayaa sheegtay in safiirkii u fadhiyey magaalada Qaahira ee caasimadda Masar uu dib ugu laaban doono dalkaas, ka dib markii ay xukuumadda Khartuum ay u yeertay bishii la soo dhaafay ee Jannaayo.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan oo lagu magacaabo Qadar ayaa sheegay in madaxweyne Al-bashiir u faray safiirka in uu dib ugu laabto Qaahira maalinta Isniinta ah ee soo socota.
Suudaan ayaa horay ugu yeertay safiirkeeda u fadhiyey Masar, si ay wadatashi uga sameyso arrinta la xiriirta biyo xireenka wabiga Niil.
Goobjoog News