U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Duqeyn Ka Fuliyey Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Militariga Mareykanka ayaa talaadadii sheegay inay weerar cirka ah ka fuliyeen Soomaaliya todobaadkan kadib dagaal dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo garab ah iyo Al-shabaab.

Africom ayaa intaasi raaciyey in weerarka ay qaadeen 6-dii bishan uu ku dhintay hal Al-shabaab ah, wuxuuna ka dhacay Kunyo Barrow, waqooyiga Kismaayo. “Waxaan ogaannay in aan rayidka waxba soo gaarin dhaawan ama dhimasho” sidaasi waxaa tiri Africom.

Weerar kale oo Mareykanku ka fuliyeen agagaarka Kismaayo waxaa ay ku dileen 9 Al-shabaab ah.

Dhinaca kale, Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa ay xukun dil ah ku fuliyeen Shan nin oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.

Raggan oo da’dooda ay u dhaxeysay 22 ilaa 36 sano ayaa waxa ay Shabaabku ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen hay’adaha sirdoonka reer galbeedka iyo dowladda Soomaaliya.

Raggan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla Degmada Jillib ee gobolka Jubadda Dhexe, xilli halkaasi la isugu yeeray dadweyne kala duwan oo daawanayay qaabka xukunka dilka uu u dhacay.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Kenya iyo reer galbeedka ayaa kuu sii siqaya Jamaame oo u jirta 42 KM magaalada Jilib.

Goobjoog News