Waddooyinka Muqdisho Qaarkood Oo Saakay Xiran
Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiray saakay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo loo diidayo iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.
Wadada Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale jidadka gala wadadaasi ayaa loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.
Shacabka ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya wadada dheer ee Makka Al-mukarrama, iyadoo aan la ogeyn sababta loo xiray waddooyinkaan.
Maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ammaanka Muqdisho kama aysan hadal xiritaanka waddooyinka, gaarahaan Makka Al-mukarrama iyo nawaaxigeeda.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News