U bood dhigaalka

Warbixin: Walwal Siyaasadeed Oo Ka Jira Magaalada Baydhabo (Dhageyso)

Diseembar 6, 2018

Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa ka jira qalqal dhanka siyaasadda ah, iyadoo bilihii ugu dambeeyey magaaladaasi ay ka taagneyd xaalad kacsanaan oo dhanka siyaasadda ah.

19-ka bishan ayaa loo ballansan yahay iney dhacdo doorashada madaxweynaha K/galbeed, wallow ay marar badan dib u dhacday.

Shacabka iyo siyaasiyiinta ku sugan Baydhabo waxay qaarkood qabaan aragti ah in dowladda dhexe ay farogelin ku hayso doorashada K/galbeed.

Arrinta ugu weyn ee ay ka qeylo qaadeen dhinacyadan ayaa ah ciidamadii dowladda dhexe ay dhowaan geysay magaalada Baydhabo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News