Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Xarakada Al-shabaab.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka diyaaradahan ayaa joog hoose ku socday, waxaana ay dhowr gantaal ku dhufteen goob la sheegay iney ku sugnaayeen xubno Al-shabaab ah, balse lama oga khasaaraha halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay.
Xubno ka mid ah saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in duqeyntaasi waxyeello xooggan loogu geystay Al-shabaab, walibana halkaasi ay ahayd goob ay isku uruursanayeen.
Diyaaradaha duqeytan fuliyey lama shaacin dalka laga leeyahay hase ahaatee diyaaradaha Maraykanka ayaa sidan oo kale u fuliya howlgalladan duqeynta ah.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News