Puntland: Baarlamaanka Oo Codka Kalsoonida Ah u Qaadaya Wasiirada Cusub
Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta kulan ku leh magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa lagu wadaa in ay codka kalsoonida ah u qaadaan wasiirada cusub ee dhowaan uu soo magacaabay madaxweyne Dani.
Codka ayaa noqon doona mid gacan taag ah sida uu qabo dastuurka Puntland, waxaana la filayaa in 48-da wasiir codka loo qaado.
Xubno ka mid ah baarlamaanka Puntland oo u warammay Goobjoog waxay sheegeen in ay meelmarin doonaan wasiiradan si fursad loo siiyo madaxweynaha cusub ee Puntland.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News