U bood dhigaalka

Labo Askari Oo Lagu Dilay Sanaag Iyo Muuse Biixi Oo Ka Tacsiyeeyey

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland ayaa ka tacsiyeeyey labadii askari ee lagu dilay gobolka Sanaag, arrintan ayaa timid kadib markii 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada asluubta lagu dilay Bancade.

Saraakiisha la dilay ayaa kala ah:

1 Gaashaanle sare Cabdullaahi Axmed Tahllan oo taliyihii saldhiga Gar-ad ee ciidanka Asluunta

2 Labo Xidigle Nuur Ow Cali Nuux  oo ah taliye ku xigeenkii  saldhiga deegaanka Gar-ad ee gobalka Sanaag.

Labadan taliye ayaa wararku ay sheegayaan in la diilay ayagoo deegaanka si dhuumaalaysi ah uga baxsanaya, ka dib markii mudaaharaad ciidanka looga soo hor jeedo uu ka dhacay deegaanka ka dib markii qof deegaanka  ka tirsan uu ku dhintay xabsiga.

Taliyaha iyo ku-xigeenkiisa ayaana la sheegayaa iney dileen ciidamo maleeshiyo beeleed ah kuwaas oo ku helay deegaanka Bancade oo u dhaxeeya Gar-cad iyo magaalada Oog.

Goobjoog.News