U bood dhigaalka

Mursi Oo La Aasay Iyada Oo Ay Joogeen Qaraabadiisa iyo Abuukaataha, Waa Kuma?

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa saaka lagu aasay qubuuro dhaca bariga Qaahira, waxaana goobta joogay qaraabadiisa, uu ku jiro wiilkiisa Usama oo maxbuus ahaa, waxaa kale oo joogay abuukaatihiisa.

Ala ha u naxariistee, Maxamed Mursi Al-cayaad waxaa uu geeriyoodey galabtii Isniinta isaga oo lagu maxkamadeynayo Qaahira, waxaana loo heystay dacwad la xiriirta jaajuusnimo.

Waa Kuma Maxamed Mursi:

Waa madaxweynihii 5-aad ee Masar, waxaa la doortay kadib kacdoonkii 11 Janaayo 2011-kii, waa madaxweynihii ugu horeeyey ee dalka Masar loo doorto si dimoqoraadi ah.

Waxaa uu ku guuleystay doorasho dalkaasi ka dhacday, laakin waxaa la afgabiyey 2013-kii isaga oo maamulkiisa meesha laga saaray, waxaana sidaasi sameeyey nin ka hadda madaxweynaha ah Cabdi Fitaax Al-sisi, oo ahaa wasiirkiisa arrimaha gashaandhigga.

Maxamed Mursi waxaa uu dhashay 1951-dii, waxaa uu ka soo jeedaa gobolka Al-sharqiya, ee waqooyi beri Masar waxaa uu shahaadada Masterka ka qaatay jaamacadda Qaahira iyo Dhahaadada PhD-da ee galbeedka California.

Mursi waxaa uu ka tirsanaa xarakada Ikhwaan Muslimiinta, waxaa uu madax ah ka ahaa hoggaankooda baarlamaanka Masar inta u dhaxeysay 2000-2005-tii, markii dambe waxaa uu ahaa hoggaamiyaha xisbiga Xuriyadda iyo cadaaladda ee xarakada.

Waxaa la xiray 2006-dii, 2011-kii iyo hadda uu isaga oo maxbuus ah dhintay, waxaana su’aalo badan ka taagan yihiin: in uu dhintay ama la dilay?

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir