Baarlamaanka Jubbaland oo Doortay Guddoomiye
Sheeko:Dalka
Doorasho goordhaw ka dhacday magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayey baarlamaanka maamulkaasi ku doorteen guddoomiye cusub.
Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo codadkii la tiriyey helay 55.
Cabdiraxmaan doorashada kula tartamay Xuseen shiinow oo isna codadkii la tiriyey ka helay ilaa 18 cod.
Waxaa xusind mudan in Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan uu ahaa guddoomiyihii baarlamaankii 1-aad ee Jubbaland, oo mar kale ayuu soo noqday.
Goobjoog News