U bood dhigaalka

Maxaa Ka Socda Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool?

Oktoobar 16, 2019

Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidanka DFS oo garabsanaya kuwa K/galbeed ay howlgal ka wadaan duleedka degmadaasi.

Ciidamo aad u badan oo ka baxay degmada Xudur iyo kuwo kale oo ku sugnaa duleedka degmadaasi ayaa maanta u dhaqaaqay deegaanno hor leh oo hoostaga degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka K/galbeed ayaa inoo xaqiijiyey in ulajeedkoodu tahay sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada hoostaga Xudur.

Howlgalkan ayaa daba socda dagaal culus oo habeen hore dhex-maray ciidankan howlgalka wada iyo Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay xero ay ciidanka DFS iyo kuwa K/galbeed ku lahaayeen duleedka degmada Xudur.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News