U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Markale Duqeyn Ka Fuliyay Shabeelaha Hoose

Sheeko:Amniga

Diyaaradaha Mareykanka ayaa waxa ay markale duqeyn cusub ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha hoose sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa.

Qoraal ka soo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in laba diyaaradood oo nuuca dagaalka ah islamarkaana uu leeyahay Mareykanka ay duqeeyeen deegaanka Kuunyo Barrow ee gobalka Shabeelaha hoose halkaasi oo lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab.

AFRICOM qoraalkooda waxa ay ku sheegeen in duqeyntaasi ay ku dileen mid ka mid ah dagaalamayaasha Al shabaab halka labo kalane ay dhaawaceen, waxa ayna sheegeen in weerarkaasi ay la kaashadeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Mareykanku waxa uu iska fogeeyay in duqeyntaasi aysan haba yaraatee wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ka agdhawaa goobaha la duqeeyay.

Dowladda Mareykanka waxa ay caddeysay in duqeymaha ay la bartilmaameedsanayso goobaha ay dalka kaga suganyihiin Al shabaab in ay sii wadi doontto ilaa iyo inta laga wiiqayo awoodda dagaalamayaasha Al shabaab oo ku xooggan qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Goobjoog News